ilkacase qays nimaan ciilay baa i caaya [original] şarkı sözleri

#CHORUS Cawaan hadalkii cizaba maleh Nimaan ciilay baa i caaya Haduu caadil ii carooneen Cadowga cagta soo ma mariyeen Cawaan hadalkii cizaba maleh Nimaan ciilay baa i caaya Haduu caadil ii carooneen Cadowga cagta soo ma mariyeen #VERSE Caziiz cududu i siiyay Hadaan casarkii cabeesto Cishihii casharkaa ku siiyoo Intaad hurdada ka caagto Haa quruntoo ciil la oydo Cirfiid camal aad u yeedho Ileen carab ma tihiine Carada cuna oo cantuuga (huh) Hadaan caadil ii carooneen Cagtaba dhulka ma idin saarteen Cidaan ahay aan ku baro hoyhoy Aniga cadow iima goodiyo Meeshaan cagta dhiguu ka cararaa Woy ka cararaa oo ka caagaa Anaa waligey ku ciili jiraye Talow cirka ma igu soo dumi #CHORUS Cawaan hadalkii cizaba maleh Nimaan ciilay baa i caaya Haduu caadil ii carooneen Cadowga cagta soo ma mariyeen Cawaan hadalkii cizaba maleh Nimaan ciilay baa i caaya Haduu caadil ii carooneen Cadowga cagta soo ma mariyeen #VERSE Kuwaan shalay ceel ku riday baa Caloosha cuqdad iigu qaaday Coladooda kama caroodo Wakaa calankeegi caawa Cirka sare caadka gaaray Cudoontii aan calmaday iyo Cindiga guud caleema saaray Caqligu doortee casuumay Caruus baa nolo ciyaaree Nacabka ciil ha u dhamaadaan Caradaan anagaa ka talino Cid kale uma dawa fadhino Cadkaan doonaan camiranaa Dhaanto iyo saar baan ciyaarnaa Muxuu caawa naga badalayaa Calankeena booramuu babanaayaa Caaqil baan ahay aan cabsoonin Cilmigana dhigo caalamkoo dhan Lama ciyaaro caruurtaan ciilan Ciiltire waa magaca ii baxay Cida aan ahay aan cadeeyee Cadowgeena waan cashuurnaa Waan ciqaabnaa cuqdad ku beernaa Waan caadnaa #CHORUS Cawaan hadalkii cizaba maleh Nimaan ciilay baa i caaya Haduu caadil ii carooneen Cadowga cagta soo ma mariyeen Cawaan hadalkii cizaba maleh Nimaan ciilay baa i caaya Haduu caadil ii carooneen Cadowga cagta soo ma mariyeen
Sanatçı: Ilkacase Qays
Türü: Belirtilmemiş
Ajans/Yapımcı: Belirtilmemiş
Şarkı Süresi: 2:51
Toplam: kayıtlı şarkı sözü
Ilkacase Qays hakkında bilgi girilmemiş.

Fotoğrafı