ilkacase qays nuurani [original] şarkı sözleri

#VERSE Lamaaha dhebiga duurkaba ku yaal Dabeelaha luli markee dhaqaaqaan Leydha la dheeli gadigood la dheeli Ugaadha harsani hurdo la aan ma joogto Anoo lixda lixaad Eebe uu isiiye Kuwa naceebka la hadaaqaayan Dhagta uma dhigo liiskooda ma furo Lulumada biyaaha dusha ka saaran Lama dhaansado lamana dhadhamiyo Libinteedana looyar Uma baahna Laaclaac iyo ligdin uma baahna Nin naftiisa luray faataal uma baahna Nuraani baan ahay leeylkii baan duulaa Laasqoray baan anoo Lali dul maraa Lahelow iyo libooyaan kusoo dagaa Maangaabku hurdo Ma lado miyaaa #CHORUS Ama lula Oo ii lula laamaha Ama dhurwaaga iilooga Libaaxu ma baqo Leeb kama baqo Ilaa 60 sano Jees jees ma daayo #CHORUS Ama lula Oo ii lula laamaha Ama dhurwaaga iilooga Libaaxu ma baqo Leeb kama baqo Ilaa 60 sano Jees jees ma daayo #VERSE Laasim ma ahan Dhibka inaan sharaxo Kuwa liitee Naftooda gabaa Inan la tirsado La jihaado ma ahan Hadaad yur dhihin Lalaab ma dayaan Ileen dawacadu Lurbo ma daayo Ileen dawacadu Laab jeex ma daayo Madfac baan la beegansani Dhulkaan ku daraa Dhulka ku daraa Cidaa la sima Dhasheedan gubi Laamigaan soo dhigi Ciilka magafaha liibiyo Aan u qabo Ayaan kufurani Kufurani luuley Ileen soo joog (soojoog) diiden Cawan la kordhaway La hoos dhabay weye Nin ka qaban karo Ma ihiye miirso Ha is dhiwin Hana naafoowin Ilaa lixdan galo Jees jees ma daayo #CHORUS Ama lula Oo ii lula laamaha Ama dhurwaaga iilooga Libaaxu ma baqo Leeb kama baqo Ilaa 60 sano Jees jees ma daayo #CHORUS Ama lula Oo ii lula laamaha Ama dhurwaaga iilooga Libaaxu ma baqo Leeb kama baqo Ilaa 60 sano Jees jees ma daayo
Sanatçı: Ilkacase Qays
Türü: Belirtilmemiş
Ajans/Yapımcı: Belirtilmemiş
Şarkı Süresi: 2:29
Toplam: kayıtlı şarkı sözü
Ilkacase Qays hakkında bilgi girilmemiş.

Fotoğrafı